3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Qaramada Midoobey oo cambaareysay qaraxyadii Muqdisho

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarradii qaraxyada ku bilaawday ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Xog-hayaha Guud waxaa uu si adag u cambaareynayaa weerarradii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen tiro badan oo dad rayid ah ayna ku dhaawacmeen qaar kale oo badan. Waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ku waxyeeloobay, iyo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxaa uuna sidoo kale boogaadinaya jawaab celintii ciidamada ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Stéphane Dujarric, Af-hayeenka Xog-hayaha Guud

Xog-hayaha Guud waxaa uu mar kale xaqiijinaya in Qaramada Midoobay ay si buuxda ugu taageerayso hay’adaha Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo dadaalkooda ku aaddan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo xasilloon.

Dhinaca kale dowladdaha Qoraalo ka soo kala baxay dowladaha Sucuudiga, Turkiga, Qatar iyo Jabuuti ayaa loogu tacsiyadeeyay dowladda Soomaaliya qaraxyadaas, waxaana ay ku eedeeyeen Argagixisada inay laayeen dad shacab ah.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana mar walba gacan ka geysaneyso gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/2/2019 12:19 PM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah xarunta Wasaarradda.

3/2/2019 10:04 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa siwadajir ah ay u soo saareen maamulka dawlada Hoose iyo ciidanka booliska gobolka Sool.

3/2/2019 8:22 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in biyo la'aan ba'an ay ka jirto magaalada, taas oo keentay in dadku ay jeerigaamo aroortii kula arooraan meelahay u maleeyaan inay biyo ka helayaan.

3/2/2019 6:24 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)-Ilaa shan madfac oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta madaxtooyada oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka.

3/2/2019 4:51 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo.

3/2/2019 3:29 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay halkaa ku yeelan doonaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta.

3/2/2019 1:00 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

3/2/2019 12:32 AM EST
Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Inkastoo la soo afjaray howlgalkii ciidamada dowladda ay ka wadeen dhismayaasha ku hareereysa hotelka Maka Al-Mukarama, haddana dhinaca kale waxaa soconaya baaritaanka bal haddii ay jiraan meydadka dad wali ku hoos jira dhismayaasha isku dul bur buray.