4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Mareykanka oo war ka soo saaray duqeymihii ugu danbeeyay ee gobolka Hiiraan

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Duqeyntan ugu danbeysay oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan gobolka Hiiraan ayaa dhacday 28kii bishii Feberaayo, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa duqeymo horey sidan oo kale isla gobolka lagu bartilmaameedsaday xoogagga Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo gacan militari siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago tiradan danbe ee 26ka ah, taliska Mareykanka ayaa horey u sheegay in 55 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ku dileen labo duqeyn oo is xigtay oo laga fuliyay gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan qeybo ka mid ah waxaa fariisimo xoogan ku leh dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee labadii cisho ee la dhaafay warar soo baxaya waxaa ay sheegayeen in ay faarujiyeen deegaanno markii hore ay gacanta ku hayeen iyaga oo baxsanaya duqeymaha diyaaradaha Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]