4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2019
Meydad laga soo saarayo dhismayaashii ku dumay qaraxyadii Maka Al-Mukarama

 

Sabti, Marso, 02, 2019 (HOL)- Inkastoo la soo afjaray howlgalkii ciidamada dowladda ay ka wadeen dhismayaasha ku hareereysa hotelka Maka Al-Mukarama, haddana dhinaca kale waxaa soconaya baaritaanka bal haddii ay jiraan meydadka dad wali ku hoos jira dhismayaasha isku dul bur buray.

Ciidamada ayaa la sheegay in la sheegay in saacadihii ugu danbeeyay soo saareen meydadka ilaa Labo ruux oo dhalinyaro ah kuwaa oo ku hoos jiray dhagxaanta daaraha ku dumay qaraxyada, walina waxaa soconaya baaritaanka dad kale oo eheladoodu sheegeen in ay la’yihiin nolal geeri halka ay ku danbeeyeen.

Gaadiidka loo yaqaano Cagaf cagafta ayaa ku howlan faagida dhismayeyaasha burburay, waxaana sidoo kale warar qaar ay sheegayaan in ay wali jiraan dad la’yahay oo la baadigoobaayo.

Ciidamada dowladda ayaa shalay galinkii dambe soo afjaray weerarka oo qaatay muddo dhowr Saacadood ah, xilligaas waxaa jiray Meydad laga soo saaray dhismaha Shideeye oo inta badan weerarku ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]