4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay ilinka hore ee xarunta CID magaalada Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL) -- Qarax nooca gaadiidka lagu rakibo ah ayaa goor dhaw ka dhacay ilinka hore ee xarunta CID magaalada Muqdisho , waxaana warar soo baxaya sheegayaa in gaariga qarxay uu watay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah waddo ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ayaa markiiba waxaa isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Sarkaalka gaarigiisa qaraxa lagu xiray ayaa magaciisa lagu soo kooban Daahir, waxaana la sheegayaa in uu so gaaray dhaawac aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Mas'uulkan ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii degmada Deyniile waqtigii dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed

Ciidamada dowladda ayaa dadka iyo gaadiidka ka calinaya goobta uu qaraxa ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]