4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ku celiyay inay caddaalad heli doonto gabar 12 jir ah oo Gaalkacyo ku geeryootay


Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo.

Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah CAASHA Aabbaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo  saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horrayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

"Waxaan rajeynayaa Inshaa Allaah iyada oo laamaha amniga ay gacanta ku hayaan baaritaanka iyo in si dhakhso ah dadkii eedeysanayaasha ahaa ee dilka foosha xun gaystay cadaaladda lahorkeenidoono, waxa ay mudan yihiina la marindoono, iyada oo waxdib u dhac ahna uusan jiridoonin hadii Alle idmo". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale .Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo carruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabbeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha  Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu ballan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarrada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

 
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]