4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Balcad

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Xaalada degmada Balcad ayaa degan kaddib dagaal culus oo xalay ku dhaxmaray gudaha degmada xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa howlgalka AMISOM.

Al-shabaab ayaa xalay saacado kooban la wareegay qeybo ka mid ah degmada, waxaana wararku sheegayaan in ay dab qabsiiyeen gaadiid iyo goobo ganacsi.

Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa shegaya in xaaladu hadda degan tahay, islamarkaana socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah saldhigga Booliska iyo dukaan ku dhow Saldhigga, waxaana ay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd saldhigga.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha nafeed oo ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degmada maamulka degmada ayaa sheegay in ay sameynayaan tirakoobka khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Degmada Balcad ayaa Muqdisho u jirta 30KM, waxaa ay ka mid aheyd degmooyinkii laga saaray Al-Shabaab sanadkii 2012.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]