4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Al-shabaab oo xalay waqti kooban la wareegay qeybo ka mid ah degmada Balcad

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida la sheegay waqti kooban qeybo degmada ka mid ah la wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoogayaal la soo xiray warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab degmada Balcad kas oo weeraray laba jiho oo kala ah wadada dhinaca degmada Afgooye iyo wadada aada dhinaca degmada Jowhar.

Dad ku sugan degmada Balcad oo magacooda qariyay ayaa sheegay in Al-shabaab gudaha u soo galeen degmada islamarkaana maxaabiis ka sii daayeen saldhiga degmada Balcad.

Dhinaca kale qeybo ka mid ah degmada ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen madaafiic ay ridayeen ciidamada AMISOM ee fariisimaha militari ku leh hareeraha degmada.

Balcad ayaa dhowr jeer oo hore waxaa gudaha u soo galay xoogagga Al-shabaab oo saldhigyo n ku leh labada gobol Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaa oo inta bada ay ka soo dulaan tagaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]