3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Tirakoobka Dadka iyo Guryaha dalka Itoobiya oo dib loo dhigay

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Waxaa dib loo dhigay Tirakoobkii dadka iyo guryaha oo lafilayay inuu qabsoomo bisha soo socota ee April.

Lama oga waxa sababay dib u dhaca ku yimid tirakoobkan, waxaan sidoo kale la sheegin wakhtiga dib loo qaban doono tirakoobka dadka iyo guryaha ee guud ahaan dalka Itoobiya ka dhici lahaa.

Arrintan dib u dhaca hawlaha tirakoobka ayaa fursad u noqonaysa degaanka oo wali wax badan qabyo ka yahay sidoo kalena shacabka degaanku uusan si buuxda ugu qanacsanayn qaabka loo waday hawlaha diyaargarowga tirakoobka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/18/2019 3:02 PM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki.

3/18/2019 10:16 AM EST
Isniin, Maarso,18,2017(HOL)-Isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay ee maanta la gaarsiiyay dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3/18/2019 9:59 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Ugu 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Xeraale ee gobolka Galguduud, tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

3/18/2019 8:38 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Nin hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday bas nooca korontada ku shaqeeya oo ay dad saarnaayeen oo marayey xaafad ka mid ah magaalada Utrecht ee dalka Neteherland.

3/18/2019 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa, waxaanu kulamo la leeyahay madaxweynaha Somaliland oo kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen qasriga madaxtooyaddda.

3/18/2019 3:50 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada booliiska dalka New Zealand ayaa howlgalo baaritaano ah ka fuliyay labo guri uu degnaan jiray cunsurigii muslimiinta badan Jimcihii ku laayay masaajidyo kuyaala magaalada Chrischurch.

3/18/2019 2:36 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Warar ka imanaya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaay in xalay saqdii dhexe uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

3/18/2019 1:06 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay markii ugu horeysay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shucuubta Koonfureed ka tirsan.

3/18/2019 12:33 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada degmada Cadalle ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beelleed.

3/18/2019 12:22 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab dib ula wareegeen deegaanno ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mishaar la’aan.