4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Dad ku soo dhaawacmay dagaaalka Cadale oo la dhigay Isbitaaalka Jowhar

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay ee maanta la gaarsiiyay dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhaawac-yada la geeyey Isbitaalka magalada Jowhar ayaa ka badan 20 Ruux, kuwaa oo markii danbe intooda badan loo soo gudbiyay dhinaca magaalada Muqdisho so loogu daweeyo.

Dagaallada ka socnaya degmada Cadale ayaa muddo dheer soo socday, waxaana mar kala dhaxgalay ciidamada militariga dowladda Soomaaliya oo markii danbe halkaa isaga tagay.

Magaalada Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhinaca dagaallamaya in ay si deg deg ay u joojiyaan dirirta, waxaana soconaya dadaalo nabadeed oo la doonayo lagu xaliyo colaada labada beellood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]