4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Toogasha ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherland

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Nin hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday bas nooca korontada ku shaqeeya oo ay dad saarnaayeen oo marayey xaafad ka mid ah magaalada Utrecht ee dalka Neteherland.

Warar ka imanaya magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iyada oo qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa la geeyey ciidamo tira badan.

Booliska ayaa ku baaqay iney ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay dugsiyada waxbarashada ee ka agdhaw goobahaasi albaabkooda ay xirtaan..

Waxay booliska sheegeen inuu weerarkaasi noqon karo "isku day fal argagixiso".

Isku duwaha ka hortagga falalka argagixisada ayaa sheegay iyada oo laga cabsi qabo iney khatar kale halkaa ka imaaddo in si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Utrecht.

Ra'isal wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa sheegay "iney dhacdadan aad u murjisay" oo uu baajiyey khudbad toddobadla ah oo uu soo jeedin lahaa.

Xigasho BBC