4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Howlgal laga fuliyay guryo uu degnaa Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

 

Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Ciidamada booliiska dalka New Zealand ayaa howlgalo baaritaano ah ka fuliyay labo guri uu degnaan jiray cunsurigii muslimiinta badan Jimcihii ku laayay masaajidyo kuyaala magaalada Chrischurch.

Booliiska ayaa guryaha ninkaasi ka raadinayay cadeymo dheeraad ah oo ku aadan weerarkii uu dadka badan ku laayay, walina ma sheegiin booliiska hadii ay guryaha ay baareen kasoo heleen hub iyo waxyaabo kale oo cadeyn ah.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale guryaha ay baareen ka kaxeeyay hooyada dhashay dilaaga iyo gabar la dhalatay, waxaana labadan qof booliiska geeyeen goob amaan ah si aysan weerar aargoosi ah ula kulmin .

Qaar kamid ah ehelada ninkan ayaa si kulul u cambaareeyay ugana xumaaday weerarka uu ku laayay muslimiinta badan, waxa ayna sheegeen in wiilkooda aysan sidan ku ogeyn balse kooxo mayal adag badaleen.

Dalka New Zealand oo ka mid ahaa wadamada caalamka ugu amaanka badan ayaa waxaa saameyn badan ku yeelatay muskimiintii badnaa ee Himcihii lagu toogtay labo masjid oo kuyaala magaalada Chrischurch.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]