4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed xerada barakacayaasha Gedeo

 

Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay markii ugu horeysay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shucuubta Koonfureed ka tirsan.

Dadka barakacayaasha ah ee uu ra’iisal wasaaruhu la kulmay waxaa ay u soo jeediyeen cabashadood iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan.

Waxaa uu Abiy u ballan qaaday in xukumaddiisa oo kaashaneysa hay'adaha samafalka ay gargaar bani aadaminimo oo degdeg ah la soo gaarayso, sidoo kalena ay gargaarkii ugu horreeyey dowladdu gaarsiisay maalintii shalay.

Hase ahaatee tan iyo intii uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed bishi April 2018, wuxuu ku tallaabsaday tallaabbooyin aad loogu bogaadiyey oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba uu ka qabtay, waxaana tallaabbooyinkaasi ka mid ah:

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]