4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xariga ka jaray safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya


Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa maanta wadajir xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Safaaradda cusub ee Jabuuti ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin, waxaana xubnaha goobjooga ahaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisa ay bixisay dhulka safaaradda Jabuuti.

Safaaradda Jabuuti ayaa deganeyd dhismo ku yaalla gudaha Madaxtooyada oo ay ku shaqeyneysay muddo sanado ah, waxaana haatan safaaradda ay banaanka uga soo baxday xeyndaabka Madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]