4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Dagaal beelleed ka socda deegaanka Cadalle ee gobolka Shabeelle Dhexe

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Beelaha dagaalamaya ayaa horay waxaa dagaalkooda u joojiyay ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa militariga Soomaaliya, hasse ahaatee ciidamada ayaa la sheegay in markii danbe ay isaga baxeen deegaanka, taasoo keentay in mar kale uu dagaal ka dhax bilaawdo labada beellood.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka labada beellood uu salka ku hayo lahaanshaha dhulka ka tirsan deegaanka lagu dagaalamayo.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa marar badan ooh ore isku dayay in uu heshiis dhax dhigo labadan beellood  iyadoo kulamo lagu kala qabtay magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]