4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta khudbad u jeedinaya Xildhibaannada Labada Aqalka Soomaaliya

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta Khudbad u jeediyo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo goor dhaw kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

  Kulanka oo lagu qabanayo xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,waxaana Ajandaha kulanka uu yahay hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa soconaya qabanqaabada kulanka labada Aqal, iyadoo sidoo kalana ay ka qeybgalin doonaan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Soomaaliya.

Maanta aya la faliyaa in madaxweynaha Jabuuti u sii gudbo dhinaca magaalada Belewweyne oo ah saldhig ugu weyn ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]