4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2019
Casho sharaf xalay madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay madaxweynaha Jabuuti


Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabada oo ay wada fadhiyeen madaxweynaha martida loo hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan.

Waxaa sidoo kale munaasabada joogay oo ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Labada madaxweyne ayaa saakay lagu wadaa in yeeshaan kulamo looga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]