3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Shan ruux oo ku dhimatay qarax maanta ka dhacay gobolka Baay

 

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ku dhaceen qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca dadku isugu yimaadaan ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Shan ruux halka tiro ka badan 40 ruuxna ku dhaawacmeen.

Gaar ahaan qaraxyada ayaa lagu bartilmaameedsaday Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof-gaduud Buureey, waxaana halkaa ku sugnaa dadweyne aad u faro badan oo halkaa ganacsi u joogay.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa u sheeegay warbaahinta in miino lagu aasay suuqa dhaxdiisa oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda in ay ka dan-beysay qaraxyada maanta ka dhacay deegaanka Goofguduud oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/13/2019 6:49 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Maxkamadda shaqaalaha ee London ayaa dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyay 79 jir Soomaali ah oo muddo kala kulmayay bahdil diblomaasi Qadari ah.

3/13/2019 6:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad shir guddoomiyey shirka Jihaynta Siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland.

3/13/2019 6:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor'imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

3/13/2019 5:37 AM EST
Arbaco,Maarso, 13, 2019 (HOL)-Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah laguna daweeyo dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa laga hergaliyay qeyb ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne

3/13/2019 2:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay garoomadeeda ka mamnuucday in ay isticmaalaan diyaaradaha duqoobay ee lagu farsameeyo wadankii la oran jiray midowga Soofiyeeti.

3/13/2019 2:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya 25 duqeymo cirka oo ay ka geysteen Soomaaliya Al-shabaab looga dilay 244 dagaalyahan.

3/13/2019 1:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.