4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Diblomaasi Qadari ah ayaa ugu yeeray darawalkiisa oo Soomaali ah 'adeege madow' iyo 'eey'

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-  Maxkamadda shaqaalaha ee London ayaa dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyay 79 jir Soomaali ah oo muddo kala kulmayay bahdil diblomaasi Qadari ah.

Diblomaasiga Qadariga ah ayaa darawalkiisa oo Soomaali ah ugu yeeri jiray 'Eey' , 'Dameer' iyo 'Addoon Madow', xilli uu ku qaadday olole meel ka dhac ah oo jireed iyo mid sinji, sida ay maxkamadda dhageysatay.

Cabdullaahi Ali Al-ansaari, oo lagu sheegay diblomaasi ka shaqeeya waaxda caafimaadka ee safaaradda Qatar, ayaa ku eedeysan inuu dhibaato u gaystey Maxamuud Axmed oo 79 jir ah oo u ahaan jirey darawal, isla markaana ku qaybsanaa ammaanka xilliga habeenkii ah.

Wargeyska The telegraph, oo warbixintan baahiyay ayaa sheegay odaygan Soomaaliyeed inuu diblomaasiga Qadariga ah kala kulmayay meel ka dhac baahsan, isagoo ula dhaqmayay sida addoon uu gaar u leeyahay oo uu wacan karo 24 saacadood maalintii , toddobada maalmood.

Maxkamadda shaqaalaha London ayaa Talaadadii shalay  laga sheegay in diblomaasiga uu isku dayay inuu odeyga uu bahdilka kula kacay inuu ku laaluusho 50,000 oo gani, si uu u tuuro dacwada uu ku soo oogay oo uu aamuskiisa u iibsado,balse dacwada way furantahay  oo waa ay socota wali.

Maxamuud Axmed , oo ah qofka la dulmiyay wuxuu haysta dhalashada Ingiriiska , wuxuuna safaaradda Qadar ka shaqeynayay laga billaabo sannadkii 2007dii illaa 2013kii xilliga oo laga eryey.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]