4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey maalintii Labaad Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad shir guddoomiyey shirka Jihaynta Siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni,  ayaa waxaa shirka ku wehelinaaya Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha  Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka, waxaana intiisa badan shirka maanta daadihinaaya Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Ajandaha shirka maanta looga hadlayo ayaa ah qodobada hoos ku qoran.

1. Nidaamka Wadashaqaynta dowladda

B. Habka xallinta khilaaf haddii uu yimaado.

T. Illaalinta sharafta xifdinta siraha dowladda.

2.Soo jeedin iyo Falanqayn nidaamka Wadashaqaynta dowladda iyo hay'addaha caalamiga ah.

3. Guudmar qorshaha sanadlaha ah ee dowladda oo ku salaysan barnaamijka siyaasadeed ee Madaxweynaha Puntland iyo guddi hooseedyada hay'addaha dowliga ah.

4. Qorshaha qaybta saraynta sharciga ( Rule of law )

5. Qorshaha qaybta baahinta siyaasadda maamul daadejinta ( political sector )

6. Qorshaha qaybta horumarinta dhaqaalaha iyo waxsoosaarka ( Economic Dev sector ).

7. Qorshaha qaybta horumarinta arrimaha bulshada ( social sector key strategic priorities ).

8. Maamul wanaagga iyo tayaynta hay'addaha dawladda.

9. Su'aalo iyo jawaabo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa Golaha Wasiirrada ku booriyey in saddexda cisho ee uu soconaayo shirku halbeeg u yahay shaqada dowladdu ay qabandoonto sanadka 2019ka, sidaasi darteed ay tahay muhiim in lasoo saaro maxsuul bud-dhig u ah horumarinta adeegyada shacabka iyo kan horumarinta dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]