4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
6 qof oo ku dhimatay iska hor'imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-  Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor'imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Iska hor'imaadka ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed , kaas oo ka dhashay muran dhul oo maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed.

Maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo Nabad-doonno ayaa ku guulaystay iney kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaallamay.

Dhinaca kale,Ciidammada isku dhafka iyo kuwa xasillinta magaalada Gaalkacyo ayaa goobta gaaray, waxaana ay la wareegeen goobta inta xal laga gaarayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]