3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2019
Xaruntii ugu horeysay ee lagu Daweeyo dadka qaba cudur-ka Dhimirka oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne


Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah laguna daweeyo dadka qaba xannuunka dhimirka  ayaa laga hergaliyay qeyb ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne

Axmed Maxamed Shire oo ah Dhakhtarka kaliya ee ilaa hadda ka howlgala xarunta  oo la hadlay HOL ayaa sheegay in Drs Faadumo Sh Cali Jimcaale oo ku taqasustay cudurrada ku dhaca dhimirka aheyd maskaxdii ka danbeysay in la helo xarun u gaara dadkan oo intooda badan aan helin daweyntii iyo xannaanadii ay u baahnaayeen.

''Markii ugu horeysay Drs Faadumo Sh Cali Jimcaale waxaa ay socdaalkeedii ugu horeeyay ku timid magaalada Beledweyne bishii January 2018, laakiin waxaa ay soo laabatay isla sanadkaas November 2018 oo ay la kulantay qaar ka mid ah dadka qaba xannuunka dhimirka, xiligaa wixii ka danbeeyay waxaa soo baxday baahida loo qabo in la helo xarun lagu xanaaneeyo bukaannadan '' ayuu yiri Dakhtar Shire.

Wuxuu sheegay in xaruntan markii ugu horeysay si rasmi ah loo furay horaantii bishan Maarso ee sanadkan 2019ka, waxaana ilaa iyo hadda ka howlgala oo la marka laga soo tago Dhakhtarka  Labo ruux oo Kakaaliyayaal caafimaad ah kuwaa oo shaqeeya toddobaadka oo idil.

''Waxaa jooga oo ila shaqeeyan Labo Kalkaaliyayaal caafimaad ah, kuwaa oo kala ah Bashiir Maxamed Xeyle iyo Xamdi Xassan Xuuriye, toddobaadka oo idil waa la shaqeeyaa, hadda wax dawo ah ma laha xarunta, laakiin dadka noo yimaada waan wareysanaa kaddibna waxaan u qornaa dawada ku haboon, iyaga ayaa dibadda ka iibsada'' ayuu yiri Axmed Shire.

Mar HOL ay weydiisay adeegyada kale oo ay bixiso xarunta ayuu sheegay in ay u booqdaan dadka xannuunkan qaba guryaha lagu hayo iyo xarumaha Qur'aan saarka oo intooda badan la geeyo kuwaa oo aan siinyo ayuu yiri la talin dhinaca caafimaadka.

''Hadda baahida ugu weyn ee xarunta ka jirta ayaa ah maadaama ay cusub tahay in aysan la heyn wax dawo ah si loola tacaalo caafimaadka dadka xarunta la keeno  ayuu yiri u sheegay HOL.

Waa xaruntii ugu horeysay oo nooceeda ah ee laga hergaliyo magaalada Beledweyne gaar ahaan Isbitaalka guud ee gobolka, iyadoo ay jiraan dad badan oo la nool cudurka dhimirka kuwaa oo qaarkood heysan daryeelkii ay u baahnaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 















Click here
3/13/2019 12:13 PM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ku dhaceen qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

3/13/2019 6:49 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Maxkamadda shaqaalaha ee London ayaa dhageysanaysa dacwad uu soo gudbiyay 79 jir Soomaali ah oo muddo kala kulmayay bahdil diblomaasi Qadari ah.

3/13/2019 6:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii labaad shir guddoomiyey shirka Jihaynta Siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland.

3/13/2019 6:02 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor'imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

3/13/2019 2:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay garoomadeeda ka mamnuucday in ay isticmaalaan diyaaradaha duqoobay ee lagu farsameeyo wadankii la oran jiray midowga Soofiyeeti.

3/13/2019 2:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya 25 duqeymo cirka oo ay ka geysteen Soomaaliya Al-shabaab looga dilay 244 dagaalyahan.

3/13/2019 1:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.