6/24/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Xisbiga WADDANI oo cadaalad daro ku tilmaamay laba muwaadin oo lacag badan lagu ganaaxay


 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sharci daro iyo mid cadaalada ka fog ku tilmaamay xukunkii lagu riday laba muwaadin oo loo haystay inay jareen xadhiga Internetka ah ee shirkadda SOMCABLE ee dhulka hoostiisa mara.

Xoghayaha xisbiga WADANI ayaa jeelka ku soo booqday labadda muwaadin ee lagu xukumay lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar, waxaanu xukunkaasi ku tilmaamay mid aan caqliga bani’aadanka gali Karin.

“Waxaan saaka booqday Abwaan Baashe iyo macalin Cabdiqaadir oo lagu xukumay xukun cadaalad daro ah oo axmaqnimo ah, waxay noo sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan, waxa kale oo aan la kulmay qoysaskoodii, Abwaan Baashe wuxuu ahaa aabo toban caruur ah u shaqeeya nin xoogsato ah oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta ayuu ahaa, macalinkuna iskuul buu bare ka ahaa oo uu qaadan jiray wax boqol dollar ka yar waayo dawladda ayuu u shaqayn jirey, caqliga dhigaya qof boqol dolar wax ka yar qaata in lagu xukumo lix boqol oo kun oo dollar oo ganaaxa inuu bixiyo waa wax lala yaabo”ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “dawladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono.”

Shan muwaadin oo laba baxsaday ayaa maxkamada racfaanka gobolka Maroodi jeex ku xukuntay lacag dhan lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah, taas oo baddi dadku la yaabeen xadiga lacagtaasi oo badan awgeed.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.
 


 










Click here
3/12/2019 2:58 PM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maxkamada looga yeeray guddoomiyaha degmada Hodan.

3/12/2019 10:48 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha oo ay iska kaashan doonaan Midowga Yurub iyo Dowladda federaalka Soomaaliya kaa oo laga hirgelin doono guud ahaan dalka

3/12/2019 10:36 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta uu xilkii iska casilay Duqii maamulka magaalada Diridhabe Ibraahim Cismaan.

3/12/2019 8:33 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ciidanka Soomaaliland ay ku soo gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

3/12/2019 8:21 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka iska casilay ,sida laga soo xigtay ilo ku dhow taliyaha oo sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Puntland.

3/12/2019 7:55 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay hay'addo tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan.

3/12/2019 5:29 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-Nin Gariiga u dhashay ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa ee ka badbaaday diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines kaddib markii uu ka soo dib dhacay 2 daqiiqo oo kaliya

3/12/2019 5:11 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-Ururka Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

3/12/2019 2:39 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland oo uu ka dhacay shirkii ugu danbeeyay ee madaxda dowlad gobolleedyada uga dhawaaqeen sanadkii hore in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, waxaa hadda ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

3/12/2019 2:05 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo kaddib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah.

3/12/2019 1:56 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsna kuwa dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamo Mareykan ah weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

3/12/2019 1:36 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo madaxda qaarrada Africa kaa oo looga wada hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo,