4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Barnaamij ay ku baxeeyso 83 Million oo Euro oo laga daahfuray Kismaayo

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha oo ay iska kaashan doonaan Midowga Yurub iyo Dowladda federaalka Soomaaliya kaa oo laga hirgelin doono guud ahaan dalka

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda qorsheynta dowladda Soomaaliya, madaxda wasaaradaha qorsheynta dowlad goboleedyada iyo xubno ka socday deeq bixiyeyaasha caalamka  ayaa intii uu socday looga doodayay sida looga faa’iideysan karo barnaamijkan lagu horumarin doono dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jubbaland oo furitaankii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya, islamarkaana uu qeyb weyn ka qaadan doono sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Waxa uu intaa ku daray in barnaamijkan looga faa’iideyn karo dhalinyarada si ay uga helaan shaqo abuur, islamarkaana uga baaqsadaan in ay ku biiraan kooxaha kasoo horjeeda dowladda.
Shirka oo intii uu socday ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ayaa gabagabadii waxaa soo xiray oo khudabad ka jeediyay raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, isagoo uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed, waxa uu dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu muhiimad gaar ah u leeyahay barnamijkan lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.

Barnaamijkan heerka qaran ee maanta la daahfuray ayaa ah mid ay ka faa’iideysan doonaan bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada dalka.

Dhinaca kale, Raysul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha Jubbaland, ayagoo warbixinno ka dhageystay madaxda xafiisyadii ay booqdeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.