4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Duqii Ismaamulka magaalada Diridhabe oo is casilay


Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta uu xilkii iska casilay Duqii maamulka magaalada Diridhabe Ibraahim Cismaan.

Ibraahim Cismaan ayaa waraaqda is casilaadda u gudbiyay Xubnaha Golaha Kaabineetka ee ismaamulka Diridhabe oo galinkii hore ee maanta shir degdeg ah isugu yimid.

Haddaba Xubnaha Golaha Kaabineetka ee ismaamulka Diridhabe ayaa ka aqbalay iscasilaadda Duqii hore ee Ismaamulka Diridhabe Ibraahim Cismaan, waxayna xilkaas Goluhu u magacaabeen Mahdi Giirre oo noqonaya Kuxigeenka Duqa magaalada lehna awoodda Duqa magaalada.

Iscasilaaddan ayaa imaanaysa iyadoo waayadan dambe ay rabshado u dhaxeeyeen dadka wada daga magaalada Diridhabe. kuwaas oon wali sifiican loogu guulaysan in wax laga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]