4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Madaxweynaha Puntland oo daah-furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay hay'addo tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan.

Ujeedada shirka waxa uu ka koobnaan doonaa qodobbo ay kamid yihiin.

1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha.

2. Diyaarinta " Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 " ee hay'addaha dowladda.

3. Xoojinta wadashaqaynta hay'addaha dowladda.

4. Ka doodista arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo abuurto jawi iyo fahan ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo hogaaminta dalka.

Shirku waxa uu socondoonaa muddo saddex cisho ah, iyadoo lagaga doodayo qodobada kor ku qoran oo ay qayb ka tahay dhammaystirka " mudnaanaha muhiim ka ah ee 2019 - 2019 key strategic priorities" ee hay'addaha xukuumadda kaas oo ku fadhiya barnaamijkii Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]