3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2019
Mareykanka oo sheegay in diyaarada Boeing 737 Max 8 tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karo

 

Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo kaddib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah.

Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd.

Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo.

Balse xalay ayuu maamulka duulimaadyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaacinayo in diyaaraddaasi tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karayo

Shiinaha, Indonesia, iyo Itoobiya ayaa isniintii dalbaday in shirkadahooda diyaaradaha ay joojiyaan isticmaalka diyaaraddaasi. Shirkadaha diyaaradaha ee waddamada Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8.

Balse shirkado kale ayaa sii waday duulimaadyada diyaaraddan 737 Max 8 kadib markii shirkadda Boeing ay sheegtay in ay ammaan tahay.

Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay.

Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay mar kastaa burburto.

Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su'aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/12/2019 2:58 PM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maxkamada looga yeeray guddoomiyaha degmada Hodan.

3/12/2019 11:02 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sharci daro iyo mid cadaalada ka fog ku tilmaamay xukunkii lagu riday laba muwaadin oo loo haystay inay jareen xadhiga Internetka ah ee shirkadda SOMCABLE ee dhulka hoostiisa mara.

3/12/2019 10:48 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha oo ay iska kaashan doonaan Midowga Yurub iyo Dowladda federaalka Soomaaliya kaa oo laga hirgelin doono guud ahaan dalka

3/12/2019 10:36 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta uu xilkii iska casilay Duqii maamulka magaalada Diridhabe Ibraahim Cismaan.

3/12/2019 8:33 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ciidanka Soomaaliland ay ku soo gaareen deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

3/12/2019 8:21 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka iska casilay ,sida laga soo xigtay ilo ku dhow taliyaha oo sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Puntland.

3/12/2019 7:55 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay hay'addo tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan.

3/12/2019 5:29 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-Nin Gariiga u dhashay ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa ee ka badbaaday diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines kaddib markii uu ka soo dib dhacay 2 daqiiqo oo kaliya

3/12/2019 5:11 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)-Ururka Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

3/12/2019 2:39 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland oo uu ka dhacay shirkii ugu danbeeyay ee madaxda dowlad gobolleedyada uga dhawaaqeen sanadkii hore in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, waxaa hadda ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

3/12/2019 1:56 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsna kuwa dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamo Mareykan ah weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

3/12/2019 1:36 AM EST
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo madaxda qaarrada Africa kaa oo looga wada hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo,