4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kampala

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala,kaddib casuumad uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda.

Madaxweynaha Farmaajo, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal qaaradda ka socda ee Kampala uga qaybgalaya shir berri furmaya oo looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda ee kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.

Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Koonfur Afrika Mudane Mudane Yoweri Museveni iyo Mudane Cyril Ramaphosa, Madaxweyne K/Xigeennada Kenya iyo Tanzania Mudane William Ruto, Marwo Saamiya Xasan Suluhu, Wasiirro ka socda dalalka Masar iyo Marooko, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Bangiyada Qaaradda, ganacsato iyo ergo kor u dhaafaysa kun qof.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la yeelan doona dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Moseveni oo dhowr jeer oo hore jeediyay hadalo caro-galiyay dowladda Soomaaliya, waxaana ugu danbeeyay hadal uu madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay askarta aqlaaqda xun. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Moseveni uu ku dhawaaqay in ciidammadiisa uu kala bixin doono dalka Soomaaliya, haddii leysku dayo in xitaa hal askari oo ka tirsan ciidammadiisa laga soo saaro Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu danbeeyay galay safaradii ugu badnaa, waxaana uu dhawaan isku maray dalalka Itoobiya iyo Kenya, isaga oo magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]