4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Uganda

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii danbe ee maanta u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu halkaa uga qeybgali doono shir madaxda qaarrada ay ku yeelanayaan magaalada Kampala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la yeelan doona dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Moseveni oo dhowr jeer oo hore jeediyay hadalo caro-galiyay dowladda Soomaaliya, waxaana ugu danbeeyay hadal uu madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay askarta aqlaaqda xun.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Moseveni uu ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu kala bixin doono dalka Soomaaliya, haddii leysku dayo in xitaa hal askari oo ka tirsan ciidamadiisa laga soo saaro Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu danbeeyay galay safaradii ugu badnaa, waxaana uu dhawaan isku maray dalalka Itoobiya iyo Kenya, isaga oo magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]