4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Ku-simihii taliska Booliiska howlgalka AMISOM oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay burburkii diyaarada

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) - Ku-xigeenka ergayga gaarka ee Midowga Africa ee hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey in ay ku-simihii taliyaha Police-ka ee AMISOM Kiristiine Alalo ay ku geeriyootay duulimaadkii B737 ee Ethiopian Airlines ee shalay bur-burtay.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa sheegay in Kiristiine Alalo, iyada oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saraakiisha howlgalka midowga Africa ayaa markii uu warkan soo baxay maalintii shalay beeniyay geerida Kiristiine Alalo, hasse ahaatee ugu danbeyntii waxaa warka ku saabsan geerideeda xaqiijiyay Simom Mulongo oo ah ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay ka hor inta aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Addis Ababa in ay xiriir la sameysay darawalkeedii Nairobi oo ay ku war-galisay in uu ugu yimaado garoonka Jomo Kenyatta si uu halkaa uga qaado.

Diyaarada burburtay Axadii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday 149 ruux oo rakaab ah, kuwaa oo ka soo kala jeeday ama watay jinsiyadaha ilaa 35 dowladdood iyo dhamaan shaqaalihii diyaarada, waxaana guud ahaan tirada dadka dhintay lagu sheegay 157 ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]