4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Duqa Muqdisho oo amray in laga guuro xaruntii ciidamada Badda Ex Mariino

 

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada CabdulCasiis ee Gobolka Banaadir.

Eng Yarisow ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray xeer dadka degan looga saarayo xaruntii ciidamada Badda iyo guriga taliyihii ciidanka Badda Soomaaliya

“Waxaa la ogeysiinayaa ama lagu wargelinayaa cid allaala iyo cidii ay quseyso in Xaruntii ciidamada Badda iyo Guryihii taliyaha ciidanka badda loo asteeyay Goob ama deegaan diblumaasi ah, dhulkaas oo markii hore ahaa dhul dowladeed,qorshaan ayaa u jeedadiisu tahay in caasimadda ay la tartanto caasimadaha caalamka, waxana dib lagala noqday dadkii dukumuntiyada u heystay maadama uu ahaa dhul dowladeed.

Waxaa uu sheegay in cid allaala cidii amarkaan jebisay ama diida tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waxana uu sheegay in xarumahaas ay Guryo waa-weyn oo dabaqyo ah ay ka dhisteen Saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Horay ayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho waxa uu amray in la burburiyo Goobaha Darjiinooyinka ay ku yaalla Muqdisho oo uu sheegay in tartan furan aan loo gelin dad gaar ahna la siiyay, hayeeshee amarkaas uusan weli dhaqan gelin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]