4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2019
Raysul wasaaraha dalka oo ku wajahan Kismaayo {Sawirro}

Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL)-Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha dalka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Kismaayo, kadib mudo dheer oo laga sugayay in uu yimaado Kismaayo.

Raysul wasaaraha oo ay laba maalin kahor kasoo hormareen ilaaladiiisa iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska Raysul wasaaraha ayaa baaqday labadii maalmood ee ugu danbeeysay sababo la xiriiray geeridii ku timid Wasiirkii wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Magaalada ayaa laga dareemayaa u diyaargaroowga soo dhaweynta wafdiga raysul wasaaraha, waxaana saaka xiran wadada dheer ee laamig aah ee xiriirisa garoonka diyaaradaha iyo magaalada, ayadoo ammaanka magaalada ay sugayaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

Raysul wasaaraha ayaa la filayaa in imaatinkiisa kadib uu goob-fagaare ah kula hadlo shacabka.

Faahfaahinta safarka raysul wasaaraha dib ayaan idinka soo gudbin doonnnaa hadduu Alle yiraahdo.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.