4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

“Waxaa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna muru-gada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]