7/17/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland: Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa



Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha,    Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyadda iyo nolosha dadka  ku dhaqan deegaannada Puntland.

Shirkan waxaa  madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayay guddiga abaaraha oo ka kooban Wasiirada Wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha,  Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta  iyo Hay'adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka masuuliyiin ka socday hay'addaha caalamiga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laab-laabatay, waxa uu u mahadceliyay hay'addaha ka qayb qaata u gurmashada abaaraha, loona baahan yahay in hadda loo is taago sidii deegaanada abaartu ka jirto dadka ku nool wax loogu qaban lahaa.

"Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa, hay'addaha  maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku'' ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Axmed Karaash waxa uu sheegay in  Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala harin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu saameeyeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]








Click here
3/10/2019 1:44 PM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

3/10/2019 10:02 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta billowday,kaddib muddo dheer oo aysan wax tayactir ah helin waddadaa oo burbur xooggan uu soo gaaray.

3/10/2019 10:01 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Badhasaabka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta booliska ee Gabiley ayaa ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Gabiley oo gacan hadal ku dhexmaray askari iyo wariye, taas oo askariga xabad dhulka ugu dhuftay.

3/10/2019 9:27 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Marwo Aamina Cismaan Xaaji ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii haweenka ay u heli lahaayeen cadaalad, si loo gaaro dumarka inuu sameeyo horumar dhinac walba leh.

3/10/2019 9:11 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen

3/10/2019 8:59 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

3/10/2019 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Wali waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan burburka diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku burburtay magaalo lagu magacaabo Bishoftu oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

3/10/2019 6:28 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bur burka diyaarada Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 5:41 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) Dhawaan waxaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland wafdi ka socday xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre

3/10/2019 4:58 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 4:45 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiga Mujamac ayaa ku dhax dilay ardey kale gudaha fasalkii ay wax ka wada dhiganayeen.

3/10/2019 1:13 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

3/10/2019 12:47 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

3/10/2019 12:29 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xiray inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.