4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Shirkadda Kebarco oo billowday dhismaha waddada bartamaha ee degmada Burtinle

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta billowday,kaddib muddo dheer oo aysan wax tayactir ah helin waddadaa oo burbur xooggan uu soo gaaray.

Waddadaan oo 3.6km ah ayaa ku dhismeysa isku tashi bulshada deegaanka oo gacan ka helaya shirkadda dhiseysa ee Kebarco,iyadoo guddiga gacanta ku haya dib u dhiska waddada iyo maamulka degmada ay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed inay ka qaybqaatan dhammeystirka waddadaan oo muhiim u ah isku xirka gobollada dalka.

"Burbur xooggan ayaa soo gaaray waddadaan,maanta waxaan billowan dib u dhis aan ku dooneyno waddadaan inay noqoto mid wanagsan,maaddaama ay muhiimad weyn u leedahay isku socodka". sida waxaa yiri xubin ka mid ah guddiga dhismaha laamiga bartamah ee degmada Burtinle.

"Hadda wax walba waa billow,laakin iyadoo laga duulayo muhiimadda uu jidkan leeyahay, waxaan usoo jeedinaysa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qaybqaatan inuu dhammeystirmo,waayo waxaa lagu dhisaya isku tashi". ayuu ku daray.

Dhinaca kale, maamulka shirkadda Kebarco ee dhiseysa waddada ayaa ballanqaaday inay u shaqeyn doonan sida ugu wanagsan ee ay waddadaan u noqon lahayd mid raasamaal ah, iyadoo inta ku daray sidoo kale inay ka go'antahay sida ugu dhow inay gacan u siiyaan bulshada isku tashiga ku dhiseysa waddada.

Kebarco , oo mashaariicdii ugu horreysay ee dhismayaal waddooyin laami ah ka fulisay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sumcad badan ku heshay hannaanka dhismo oo ay bulshada ku sheegeen inuu yahay midka ugu wanagsan ee uu xilligan dalka u baahanyahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]