4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Maamulka gobolka Gabiley oo ka hadlay askari iyo wariye gacan isku qaaday

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Badhasaabka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta booliska ee Gabiley ayaa ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Gabiley oo gacan hadal ku dhexmaray askari iyo wariye, taas oo askariga xabad dhulka ugu dhuftay.

Badhasaabka iyo taliyaha booliska gobolka Gabiley waxay sheegeen inay wariyeyaashaasi askariga gacanta ula tagay inay sharciga marin doonaan, isla markaaana ku eedeeyeen inay soo abaabulaan in askariga wax gaadhsiiyaan.

“Askarigu shaqadiisa ayuu gudanayey ee wariyaha ma doonan, hadalka ka soo baxay gudoomiyaha ururka saxaafadda ee SOLJA waxaan u aragnaa nin gar siinaya nin gardaroole ah, laba arimood baan u arkay hadalkiisa in aanu muuqaalkan arag iyo inuu ku go’aan qaatay dadkii hawshan waday hadalkoodda”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Xaaji Axmed.

Sidoo kale, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Gabiley Gaashaanle dhexe Amed Siciid Maxamed oo isna dhacdadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ askari shaqadiisa ku jira ayaa lagu hujuumay oo qorigiisa lagu qabsaday oo la caayey,waxaana wariyaha qabanaya oo uu jabiyey qodobada kala ah qodobka 263 hanjabaad iyo is hor taag shaqo ayaa sarkaalka lagu sameeyey, lagu cusleeyey qodobka kale ee ah 266 aflagaado sarkaal hawshiisa gudanaya, qodob 268 sarkaal waalidkiisa la caayey oo waliba aflagaado lafjab ayaa meeshaasi ka dhacday,isla markaana la isku dayey in qorigiisa lagu qabsado is uu qorigiisa u difaacana uu xabadii dhulka ku dhuftay, hawshaana saddex nin baa abaabulay mid kamarada duubay iyo laba weerar ahaa, qof sharciga ka weyni ma jiro”.

Sidoo kale, dhacdadaasi waxa kahadlay ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, waxaanay cambaaraysay in wariyeyaasha laga hor joogsado hawlahooga shaqo.

“Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa Askarta Booliiska ahi inaanay xaq u lahayn iyaga iyo masuuliyiinta ay ilaaliyaanba inay Suxufiyiinta ka hor istaagaan inay War ka doonan karaan goob kasta oo ay uga baahdaan.Waxa soo noqnoqotay inay Askarta qaarkood iyo masuuliyiintuba si joogto ah ugu hayaan Suxufiyiinta inay u diidaan goobaha wararku ka jiraan, gaar ahaan xarumaha Dawladda iyo munaasibadaha waawayn.”ayuu yidhi Maxamuud Xuuto oo ka hadlayey dhibaatooyinka haysta saxaafadda Somaliland.

Wasxaanu intaas ku daray “Falalka gacan ka hadalka ah ee ay askartu kula kacayaan suxufiyiinta waa kuwo aan marna u banaanayn waxa waajib ku ah haddii qalad lagula kaco inay sharciga u maraan.Maamulka Degmadda Gabilay, waxaanu u aragnaa inay awood ka baxsan sharciga iyo nidaam darro ula macaamilaan suxufiyiinta gobolkaasi.Suxufiyiinta Somaliland sharcigu uma banaynayo inay awood, Tahdiid iyo sheegasho waxaanay ahayn ku helaan wararka iyo barnaamijyadda ay ka shaqeeyaan.Sidoo kale, sharcigu waxa uu ku waajibinayaa Badbaadada Naftoodu inay ka qaalisan tahay warka ay doonayaan, isla markaana ay u hogaansamaan haddii laga hor istaago goob ay war ka doonayaan.”

Markii askariga iyo wariye is laynayeen waxa laga duubay muuqaal, kaasi oo noqday kii loogu hadal haynta badnaa Somaliland, waxaanay dadkii u qaybsameen laba qaybood oo kala taageerta labada qof ee is gacan qaaday.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland