4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2019
Wasiir Aamina Xaaji: Dadaalkeenna wuxuu noqon doonaa sidii ay Haweenka cadaalad u heli lahaayeen

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Marwo Aamina Cismaan Xaaji ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii haweenka ay u heli lahaayeen cadaalad, si loo gaaro dumarka inuu sameeyo horumar dhinac walba leh.

Wasiir Aamina Xaaji, oo hadalkan ka sheegtay xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka caalamka oo munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda lagu qabtay Sabtidii shalay magaalada Garoowe ayaa inta ku dartay in haweenka ay u baahanyihiin koboc dhaqaale, koboc siyaasadeed iyo  koboc bulsho.

"Waxaan ka tacsiyeeynaynaa gabdhaheenna aan ku waynay tacaddiyada ka dhanka ah ee nalagula kacay, runtii xannuun ayay nagu haysaa arrintaasi". iyadoo inta ku dartay " Sannadkan sannadkiisa haddii uu illahay nabad nagu gaarsiiyo inan gaarno inan  ka warrami karno, horumar la taaban karo oo haweenka Puntland ay ku talaabsadeen" .

Marwo Aamina , waxaa kalo ay munaasabadda ka sheegtay in xukuumadda madaxweyne Deni ay diyaarinayso istaraatiijiyadda 5-ta sanno ee ay ka mid yihiin wax u qabashada haweenka, balse waxaa ay xaqiijisay horumarrada haweenka ay wasaaradda dooneyso in lagu gaari karo isku duubni ,iyadoo dhanka kale xaqiijisay inaysan aqbali doonin qaybo haween ah oo iska soo horjeedda.

"Doorka haweenka mid siyaasadeed, amni, dhaqaale, arrimo bulsho kulliba waa kuwo cad oo aan ka daahnayn ruux damiir leh mudanna in la xuso. Waan idinla qabnaa dareenka xanuunka leh ee kasoo noqday falalka arxan darro ee loo gaysto haweenka ay ugu dambaysay kiiskii Caaisha, runtii aad ayaan uga xunnahay, waxaan rajayn in caddaalad heli doonto". ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ,federaalka iyo dimuqraadiyeenta Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen wakiilo ka socday hay'addo caalami ah, haween ka kala yimid gobollada iyo qaybaha bulshada ayaa dadkii hadallada ka jeediyay waxaa ka mid ahaa Maryam Qasim  oo ah madaxa xafiiska hay'adda UNFPA ee Puntland,waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonan wasaaradda haweenka Puntland.

Gabagabadii, Madaxweynaha Puntland , Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay xuska maalinta caalamiga ee haweenka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka Puntland ayaa sheegay haweenka inay laf-dhabar u yihiin bulshada, waxaa kalo uu sheegay in la xoojin doono ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda.

" Gabdhuhu waa in ay ciidanka kusoo biiraan, booliska iyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, keliya habluhu yaysan eegin xilalka iyo jagooyinka sare ee ay kasoo muuqdaan dhammaan shaqooyinka dowladda". ayuu yiri madaxweyne Deni.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]