4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Liiska dalalka ay ka soo jeedaan dadkii ku dhintay diyaarada Ethiopian Airlines oo la shaaciyay

 


Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen

Dadka ku dhintay diyaarada ayaa gaaraya 157 ruux , waxaana ka mid ahaa liiska la shaaciyay qof Soomaali ah oo ku jiray rabaabka diyaarada :

Hoos ka Aklhriso Liiska lagu dhawaaqay ee dowladdaha ay ka soo kala jeedeen rakaabka la socday diyaarada :

32 Kenyan, 18 Reer Canada, 9 Itoobiyaan , 8 Shiinees, 8 Talyaani, 8 Ameerikaan, 7 Faransiis, 7 Ingiriis, 6 Masaari, 5 Jarmal ah, 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay , 4 Hindi, 4 Slovakia, 3 Australia, 3 Ruush, 3 Sweden, 2 Spain, 2 Poland , 1 Indonesia, 1 Ireland , 1 Rwanda,  1 Sucuudiga, 1 Somalia , 1 Serbia , 1 Nepal , 1 Nigeria, 2 Morokaan , 2 Israaiiliyiin , 1 Biljim , 1 Ugandhiis, 1 Yemeni, 1 Sudaniis, 1 Togo
1 Muzambiik , 1 Norway.

Dadka ugu badan ee diyaaradan ku geeriyooday ayaa ka soo jeeda dalka Kenya oo la sheegay in ay uga dhinteen 32 qof, Canada ayaa ku soo xigta oo la sheegay in ay uga dhinteen 18 ruux.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay ka hadlay warka ku saabsan burburka diyaarada ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii ku dhintay burburka diyaarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]