4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Wasiir Xoosh oo Muqdisho lagu aasay Sawirro


Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina

Ra’iisal wasaare Xassan Cali Khayre oo marxuum-ka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid ka mid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay Qaran oo ay ku wayntahay Soomaali-nimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.

Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]