4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Dhamaan rakaabkii la socday diyaarada Ethiopian Airlines oo geeriyooday

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Wali waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan burburka diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku burburtay magaalo lagu magacaabo Bishoftu oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

157 ruux oo la socday diyaarada ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen, 149 ka mid waxaa ay ahaayeen rakaab, halka 8 ka mid ahna ahaayeen shaqaalaha diyaaradaha sida laga soo xigta afhayeen u hadlay shirkadda.

Diyaaradaha oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ayaa lumisay xiriirkii ay la laheyd qeybta hagida diyaaradaha ee garoonka Bole International saacadu markey aheyd 08.44, Lix daqiiqo kaddib markii ay garoonka ka dushay.

Afhayeenka u hadlay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa u sheegay CNN in dadka la socday diyaarada ay ka soo kala jeedeen ilaa 32 labo dowladood,

‘’Siddeed Shiineys ah ayaa la socday diyaarada ayuu yiri  Li Liang oo u hadlay safaarada Shiinaha ee dalka Itoobiya.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka shilkan ku dhintay uu ka mid ahaa shaqaale ka tirsan xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Shakuur Sahaad, laakiin ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha oo la sheegay in uu ka tirsanaa.

Ilaa iyo hadda lama oga in dadka ku dhintay diyaaradan ay ku jiraan Soomaali, waxaana la filayaan shirkaddu shaaciso dowladdaha ay ka soo kala jeedaan rakaabka la socday diyaarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]