4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Faah faahin ku saabsan burburka diyaarada Ethiopian Airlins

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bur burka diyaarada Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa la rumeysan yahay in ay gabi ahaanba geeriyoodeen  149 ruux oo rakaab ahaa  iyo siddeed shaqaale ah oo la socday diyaaradaha.

Afhayeen u hadlay dowlada Ethiopia oo magaciisa la shaacin ayaa sheegay in diyaarada ay burburtay 08;44 kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia.

Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay burburka diyaaradaha isaga oo  uu tacsi u direy dadkii ay ka geeri-yoodeen  rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa diyaarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]