3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2019
Wasiir isku casilay dhimashada 11 carruur ah

 

Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la'aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso.

Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa, Wasiirka iscasilay ayaa xilkaasi loo magacaabay afar bilood ka hor.

Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray.

Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay "xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka".

Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda.

Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay.

BBC Somalia













Click here
3/10/2019 1:44 PM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

3/10/2019 10:15 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyadda iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaannada Puntland.

3/10/2019 10:02 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Dhismaha waddada laamiga ah ee bartamaha magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta billowday,kaddib muddo dheer oo aysan wax tayactir ah helin waddadaa oo burbur xooggan uu soo gaaray.

3/10/2019 10:01 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Badhasaabka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta booliska ee Gabiley ayaa ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday Gabiley oo gacan hadal ku dhexmaray askari iyo wariye, taas oo askariga xabad dhulka ugu dhuftay.

3/10/2019 9:27 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Marwo Aamina Cismaan Xaaji ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii haweenka ay u heli lahaayeen cadaalad, si loo gaaro dumarka inuu sameeyo horumar dhinac walba leh.

3/10/2019 9:11 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen

3/10/2019 8:59 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

3/10/2019 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) – Wali waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan burburka diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku burburtay magaalo lagu magacaabo Bishoftu oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

3/10/2019 6:28 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya bur burka diyaarada Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 5:41 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) Dhawaan waxaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland wafdi ka socday xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre

3/10/2019 4:58 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

3/10/2019 4:45 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)- Mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiga Mujamac ayaa ku dhax dilay ardey kale gudaha fasalkii ay wax ka wada dhiganayeen.

3/10/2019 12:47 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

3/10/2019 12:29 AM EST
Axad, Maarso, 10, 2019 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xiray inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.