4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2019
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo beeniyay eedeymo uu soo jeediyay guddoomiyihii hore ee gobolka


Sabti, June, 08, 2019 (HOL)- Shir jaraa’id oo goor dhaw magaalada Beledweyne ay ku qabteen mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo uu soo jeediyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasada iyo Maaliyada gobolka Xassan Ibraahim Cabdulle iyo Isku-duwaha Maaliyada gobolka Maxamed Cabduqaadir Maxamed {Waxar] ayaa labaduba sheegay in nidaamka maaliyada gobolku yahay mid mara dariiqii saxda ahaa, iyaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in maaliyada gobolka uu maamulo shaqsi gaar ah.

‘’Waa waxba kama jiraan in maaliyada gobolka cid gaar ah la wareegtay, waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo, in canshuura la qaado iyo habka maamulka dhaqaalaha uu gobolku ay si nadiif ah u socdaan, waa nidaam ay wax walba cad yihiin waxaana dariiqaa noo jeexay oo waliba nagula shaqeynaya maamulka heer dowlad gobolleed’’ ayuu yiri Isku-duwaha Maaliyada gobolka.

Xassan Ibraahim Cabdulle Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyada gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo maaliyada gobolka intaba ay u madax-bannaaneeyeen maamulka gobolka oo si toos u maamula.

‘’Lacagtaha laga qaado waa mid dib loogu celiyo bulshada gobolka haddii ay ahaan lahaayeen dib u dhiska goobaha danta guud, muddo 8 biliood ah nidaamka dhaqaalaha waxaa maamulayay maamulka gobolka, Hirshabeella –na wax fara-galin ah kuma laheyn, mudaddaana ma jirto qof shaqsi ah oo ay jeeb-kiisa ku dhacday lacagtaas’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in xiisad magaalada ka taagan tahay, isaga oo dhinaca kalana soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Maxamed Caraale.

Wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, iyadoo xilkan loo magacaabay Cali Maxamed Caraale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]