
Isniin, June, 03, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay inay maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciiddul fitriga, sida laga soo xigtay wasaaradda Awqaafta iyo Diinta.
Gobollada Baay, Shabeellaha Hoose, iyo Shabeellaha Dhexe ayaa laga arkay bisha Shawaal, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Sheekh Cali Dheere oo si toos ah Bulshada uga hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maalinta beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isagoo xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay jogaan.
Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimaa’udiin kala duwan, laguna arkay meelo badan oo ay ka midtahay Bariire, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.
Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradda Diinta ay ku dhawaaqeyso in soonka uu dhamaday, isla markaana maalinta beri ah ay tahay maalin ciid ah.
Culimada ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo ay ku tilmaameen in ay wadato ajir fara badan.
[email protected]