4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2019
Al-shabaab oo toogasho ku fuliyay nin Oday ah gobolka Shabeellaha hoose

 

Jimco, June, 28, 2019 (HOL) –Sida dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheegeen Ururka Al-shabaab ayaa meel fagaaro ah ku toogtay Nin oday oo da’diisa lagu sheegay 75 sano jir, kaddib markii lagu helay sida Al-shabaab hadalka u dhigeen in uu isla guursaday gabar iyo hooyadeed.

  Al-shabaab ayaa fagaaraha ay toogashada ka dhacday ka sheegay in Ninkan Odayga ah oo lagu magacaabi jiray Abshir Maxamed Cabdi uu soo dacweyay Nin lagu magacaabo Xassan Khaliif Aadan oo sidaa daraadeed lagu helay danbiga ah in uu wada guursaday gabar iyo hooyadeed.

Eedeynta noocan ah oo ah mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa la ogeyn xaqiiqdeeda iyo waxa ka jira marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab oo marar badan oo hore sidan oo kale toogasho meel fagaaro ah ku fuliyay dad shacab ah oo eedeyn kala duwan ay u soo jeediyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]