4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Madaxweynaha Hirshabeele oo ka hadlay dagaallada ka soo cusboonaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan

 

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaallo culus oo qeybo ka mid ah gobollka ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay in loo istaago sidii looga baaqsan lahaa dagaallo mar kale dhaca, isaga oo dhanka kalana ku tilmaamay dagaalladan kuwo fursad siinaya sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab iyo kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

“Colaado u eg mid qabiil laakiin aysan siyaasadi ka marneyn ayaa ku soo laalaabtay deegaannada Hirshabelle gaar ahaa gobolka Hiiraan, waxaana uu ku baaqayaa in Odayaasha, Culumo'udiinka iyo Siyaasiyiinta u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacy-adu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in ay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

Baaq madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Matabaan ku dhinteen tiro ka badan 10 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii ay dirirtu dhaxmaratay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]