4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Dowladda Baxreyn dhisme waxbarasho ka bilawday magaalada Laascaanood

 

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Mashruucan oo ah boodhin loogu talagalay agoonta ayaa laga dhagax dhigay waqooyiga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool

Wasiirada Golayaasha iyo Biyaha oo hogaaminaya wefti ka socdey hay'adda IRC ee dawlada Baxreyn oo soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa sheegay in mashruucani uu yahay kii afraad we laga hirgeliyo Somaliland.
 
"Waxaa laydinka rabaa in aad isgarab taagtaan wixii wax idiin qabanaya idinkoon eegayn waxa uu yahay balse waxa uu idiin qabanayo fiirinaya" sidaana waxaa yidhi Wasiirka W. Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo intaas ku daray canaan uu u soo jeediyey dadka reer Laascaanood oo uu ku sheegay in aanay ka faaiidaysan mashaariicda.
 
Gudoomiyaha gobolka Sool iyo duqa degmada Laascaanood ayaa soo dhoweeyey Masuuliyiinta xukuumada iyo hayaddaba, waxaanay balan qaadeen in ay dadaal xoogleh gelinayaan sidii mashruucani uu u ahaan lahaa mid midhadhal ah.
 
Qaar ka mid ahaa hayadda IRC oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad celiyey soodhoweynta waxaanay she sheen in deeqdan ay ka timi shacabka Baxreyn.
 
Siciid Xaaji Maxamed Haariye ayaa masuuliyiinta ku wareejiyey sharciga dhulka iskoolkan laga dhisayo oo uu sheegay in ay bixiyeen 24 qof oo dhulkaasi lahaa uguna deeqay dan guud ku bixiyaan.
 
Dugsigan ayaa la sheegay in uu hoy u noqon doono boqolaal caruur ah oo agoon ah oo haatan aan haysan fursad waxbarasho.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool