4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Waxgaradka Buuhoodle ayaa ka arinsanaya sidii ay u samayn lahaayeen maamul laysku raacsan yahay

 

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Shir ay isugu yimaadeen madaxda dhaqanka, cuqaasha, waxgarad iyo culimada ayaa ka furmay maanta magaalada Buuhoodle kaas oo lagaga arinsanayo sidii Gudi maamul loogu samayn lahaa degaankaas.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Doofe oo isagu lahaa soo jeedinta shirkan lahaa ayaa ujeedada shirkan ka warbixiyey dhibaatada ay ku hayaan dad xilal kala duwan wata oo ka imaanaya kuwaas oo ku tilmaamay in ay khatar ku hayaan amaanka iyo horumarka.
 
"Maanta  waad u dhantihiin waxgarad iyo wadadaadba, waxaa laydinka doonayaa in  aad mustaqbalka dadkeena ka talisaan" ayuu yidhi Garaadku isagoo intaas  raaciyey in ay dhisaan gudi 21 ama 33 xubnood ah oo iyagu talada  degaanka gooya.
 
Dadkii halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey talada Garaad Cabdirisaaq waxaanay intooda badan carabka ku dhufteen in hawshani ahayd mid daahday oo waqti hore loo baahnaa.
 
Shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan maal cusub oo meesha ka saaraya maamulo farabadan oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland,  Khaatumo, wadaadada iyo ka Itoobiya oo qaybta Koonfureed maamula walow aan isagu ku jirin kuwa loo tashaday.
 
Seynab Cabdi War same
[email protected]
Laascaanood G. Sool