4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Dagaal culus oo labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Matabaan

 

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo  maanta labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Tiro ka badan 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro kale oo intaa ka badanna ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Maleeshiyaadkan oo ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa waaya-dii ugu danbeeyayba waxaa ay dagaallo kala duwan ku dhaxmarayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalka uu salku hayo muran dhinaca deegaanka iyo daaqsanka la xiriira.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beellood ayaa marar badan oo  hore isku dayay in dagaalka la joojiyo hasse ahaatee waxaa muuqata in waanwaantaasi guuldareysatay, walina deegaannadii laga lagu diriray ka jiraan xiisado colaadeed.

Wixii warar ah ee   ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]