4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Gaadiidka AMISOM oo jiiray Mooto ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-  Saddex qof ayaa geeriyooday, kaddib markii gaadiidka gaashaaman ee ciidammada AMISOM ay ku jiireen mooto ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dadka geeriyooday ayaa labo ka mid ah waxaa ay ahaayeen ciidan, halka qofka saddexaad uu ahaa wadihii mootada oo ay soo kireysteen askarta geeriyootay.

Maydadka saddexda qof ayaa la sheegay inay muddo waddada yaalleen, iyada oo markii dambe la geeyay Isbitaalka Madiina, markaas ka dibna loo qaadayey xarunta CID, halkaas oo baaritaano dheeri ah lagu sameeyeynayo.

Cumar Jaylaani oo ay walaalo yhiin Sheegow Jeylaani oo ah wadihii mootada ee geeriyooday ayaa xaqiijiyay in la hayo ciidammadii jiiray mootada askarta ay la socdeen, walina ay socdaan baaritaan.

" Waxaa la ii sheegay ciidammada AMISOM gaariga ay wateen inuu isaga oo ka leexin kara uu jiiray mootada, sidaana ay ku dhinteen labada askari iyo walaalkey." ayuu yiri Cumar Jaylaani oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Ciidammada AMISOM ayaa gaadiidkooda inta badan waxaa ay dhibaatooyin garsiiyaan shacabka, waxaana mararka qaar dhacda inay magdhow ka bixiyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]