4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Kenya oo wada qorshe diiwaanka qaxootiga looga saarayo muwaadiniinta

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-  Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu kala sooco muwaadiniinta Kenyanka ah iyo qaxootiga ku nool xeryaha ku yaalla dalkaas.

Xoghayaha joogtada ee laanta socdaalka Kenya,Gordon Kilahangwa oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in muwaadiniin badan oo Kenyan ah ay xaquuqdii ay dowladda ku lahaayeen ku waayeen diiwaanka ay ku jiraan ee qaxootiga, wuxuuna tilmaamay in qorshaha socda uu yahay sidii looga tiri lahaa diiwaanka qaxootiga,laguna masaxayo farahooda oo lagu xareeyay habka kaydka xogta rasmiga ah ee dowladda Kenya.

"Waxaannu ka wada hadalnay dadka labada jeer diiwaangashan ama farahooda ku jira qaxootiga, waa arrin dhab ah,.. Waxaannu heynaa tiro kumannaan ah oo ay ka mid yihiin muwaadaniin u dhashay Kenya kuwaas oo aannu dhihi karno siyaabo kale ayay qaxootiga u galeen balse waa muwaadiniin u dhashay Kenya. Haddanase ka mid noqday qaxootida si ay uga faa'iideystaan waxbarashada ama si ay u helaan raashiin." ayuu yiri Gordon Kilahangwa.

Kunnaan Soomaali ah oo ka soo jeedda gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa la aaminsanyahay inay ku jiraan diiwaanka qaxootiga, kuwaas oo ka mid ah boqollaal kun ee Soomaali ah oo ku nool xeryaha qaxootiga, balse qorshahaan cusub ayaa noqon doonaa mid ay dib ugu heli doonaan muwaadinimadooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]